Wararka

Dhagaysiga dacwada Badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya ayaa ka bilaabatay Maxkamada…


Dhagaysiga dacwada Badda ee u dhexeysa Somalia iyo Kenya ayaa si rasmi ah uga bilaabatay goordhow xarunta Maxkamada Caddaalada Adduunka ICJ.

Dacwadan oo hore dhowr jeer dib loogu dhigey codsi ka yimid dowlada Kenya ayaa ugu dambeyntii goordhow bilaabatay iyadoo Ra’iisul wasaare ku xigenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo qareenada u doodaya Somalia ay hadalo ka jeediyeen.

Dowlada Kenya ayaa diiday inay ka qeybgasho dhagaysiga dacwadan hase yeeshee Maxkamada ayaa go’aan ku gaartay inay sii wado dacwada maadaama dowlada Somalia diyaar u tahay inay furto dacwadeeda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13722 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: