Wararka

Diyaarad siday shixnadii ugu horeyasy ee talaalka Covid-19 ayaa ka soo degtay Garoonka Aden…


Diyaarad ay leedahay Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ayaa maanta tallaalkan ka soo dejisay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Foosiya Abiikar Nuur, Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia, Amb. James Swan iyo xubno ayaa tallaalkaasi kula wareegay Garoonka Aadan Cadde.

Tallaalkan ayaa dalka loo keenay in looga qayb qaato dadaalada looga hortaggayo xanuunka COVID-19, oo dalka dib ugu soo laba kacleeyay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay tallaalkan oo ay sameysay Shirkadda Oxford-AstraZeneca uu ka kooban yahay 300,000 oo xabo, looguna talagalay shaqaalaha safka hore.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa loogu mahadceliyay, cid weliba oo gacan ka gaysatay in tallaalkaasi dalka la soo gaarsiiyo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: