Wararka

Qoorqoor ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Mogadishu kadib safar todobaadyo…


Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar todobaadyo qaatay oo uu ku maqnaa dalka Turkiga oo ay qoyskiisa degan yihiin.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Guddoomiye kuxigeenada Golaha Shacabka, Aqalka Sare, Wasiiro, Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir, xildhibaano iyo wasiiro.

Shirka Muqdisho ee u dhaxeeya dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maalmo dib u dhacay, taasoo sabab u aheyd maqnaanshaha Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ku sugnaa Turkiga.

Rajada laga qabo shirka ayaa aad u hooseysay, taasoo keentay in walaac badan uu ka dhasho, shuruudaha iyo caqabadaha ku horgudban shirkaas ee ka imaanayay labada dhinac.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa isna la filayaa inuu Muqdisho yimaado labada maalin ee ugu soo horeysa.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: