Wararka

Sarkaal ka tirsan laanta dambi baarista Puntland ayaa ka badabaaday qarax lala beegsaday…


Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Sarkaal ka tirsan laanta dambi baarista Puntland ee CID uu saakay ka badbaaday qarax miino oo lala beegsaday gaarigiisa, xilli uu marayay bartamaha magaalada.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Warsame Yuusuf Axmed ayaa la dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu watay sarkaalka uu burbur ka soo gaaray qaraxa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga ayaa soo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana ay ka sameeyeen baaritaano.

Magaalada Gaalkacyo qeybaha waqooyi iyo koonfur ee ay kala maamulaan Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa horay uga dhacay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay mas’uuliyadooda sheegteen Kooxda Al-Shabaab.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: