Wararka

Maxkamadda Cadaalada Adduunka ICJ ayaa maanta dhageysan doonta gunaanadka dacwada Badda…


Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa maanta dhageysan doonta gunaanadka dacwadda badda ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya, kadib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay Maxkamaddu dhageysatay dooddii ergadii mataleysay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in maanta Maxkamadda ay dhageysan doonto gunaanadka dacwadda badda, kadib markii ay go’aankaas qaadatay maxkamadda.

Kenya ayaa sababaha ay uga baaqsatay dhageysiga dacwadda Badda ku sheegtay cudurka safmarka ee Covid-19, waxaana maxkamadda ay dhagaha ka fureysatay dalab Kenya ku dooneysay in la baajiyo dhageysiga dacwadda.

Dacwadda u dhaxeysay Soomaaliya iyo Kenya oo soo jiitamaysay illaa 10-kii sano ee la soo dhaafay ayaa Maxkamadda la filayaa inay go’aan kama dambeys ah ka soo saarto, waxaana la filayaa in go’aankaas uu dhaco ugu yaraan 3 illaa lix bil kadib.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: