Wararka

Russia ayaa u yeeratay safiirkeeda Mareykanka kadib markii Biden uu ku tilmaamay Putin dilaa…


Dowladda Russia ayaa u yeeratay safiirkeedi Mareykanka Anatoly Antonov, kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu hoggaamiyaha Russia Vladmir Puttin ku tilmaamay inuu yahay dilaa.

Sarakiisha Washington ayaa si deggan uga jawaabaya in Moscow ay si wada tashi ah ugu yeeratay safiirkeedii, waxaana xiriirka sii xumaanaya ee labada dhinac ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Rusia sheegtay inay raadineyso qaab lagu saxo.

“Waxaan xiiseyneynaa inaan ka hortagno inuu dhaco qalad aan dib loo sixi karin haddii Mareykanku ogyahay halista ku gadaaman inuu xumaado xiriirka labada dhinac” ayaa lagu yiri war-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Russia.

Ku dhawaaqista Moscow ee u yeerashada safiirkooda ayaa timid wax yar kadib markii TV-ga ABC uu soo daayay wareysi uu la yeeshay madaxweyne Biden, kaas oo uu ku sheegay in madaxweynaha Russia uu cawaaqib xumo kala kulmi doono haddii aanu joogin falal uu ku sheegay inay yihiin kuwa xun, ayna ka mid yihiin faragalinta doorashooyinka Mareykanka.

“Haddii ay noqoto inaan la shaqeyno Russia waxan ugu hormarin doonaa danaha Mareykanka, waxaana awoodnaa inaan kula xisaabtanno fal kasta oo ay sameeyaan” ayay tiri ku xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka Jalina Porter.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: