Wararka

Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa daahfurtay wajigii labaad ee saamiyo cusub ee sanadka 2021…


Shirkadda Isgaarsiinta Somtel Somalia ayaa soo agaasintay Xaflada sanadlaha ee saamileyda somtel iyadoo sidoo kale shirkaddu daahfurtay saamiyo cusub sanadkan 2021.

Munaasabadan oo lagu Qabtay Hotel Giyaajo ayaa waxaa ka soo qeybgalay Qeybaha kala gedisan ee bulshada Sida Ururada Dhaliinyarada, Aqoonyahanada, Ururada Haweenka, Ganacsato iyo Shaqsiyaad Caan ah, Mas’uuliyiinta Ugu sareeysa shirkadda Isgaarsiinta somtel & Dahabshil Group Intaba.

Munaasabadan oo ay bulshadu aad u daneeynayeen ayaa Waxaa laga dareemay hoolka ay munaasabada ka dhaceysay & dad weyne kale ee baraha bulshada ee shirkadda su’aalaha ka soo weydiinayay Iyadoo Saamiyada laga daahfuray Suuqyada Somtel Somaliland & Somtel Puntland.

Ugu horeyntii Waxaa munaasabada Hadal jeedin rasmi ah ka sameeyay madaxa waaxda ganacsiga somtel Mudane C/laahi Cali Caamir Oo ku dheeraaday ahmiyada Saamileyda shirkaddu u leeyihiin “isagoo tilmaamay inay ka qeyb –qaataan suuq-geynta adeegyada shirkadda Waxa uuna ku dhiirageliyay in fariinta shirkadda ay gaarsiiyaan.”

Sidoo Kale Waxaa munaasabada ka hadlay Saamileyda shirkadda Isgaarsiinta Somtel Somalia oo Codkooda uu ku hadlayay Mudane C/raxmaan Cumar Wiresh Oo Tibaaxay ”Mudada Labada Sano aan ka mid nahay Saamileyda Somtel Waxa aan Helnay Faa’iido Dhaqaale Iyadoo shirkaddu La timid Istaraatiijyad gaar ah oo Lagu Kobcinaayo Daqliga Shirkadda Si loo Xaqiijiyo qanaacada Saamileyda. Waxaan ugu baaqaaa Saamileyda Cusub inay Ku soo biiraan Bahweynta Saamileyda ayna Kamid Noqdaan Milkiilayaasha guud ee shirkadda Somtel”

Ugu Danbeyntii Waxaa munsaabada soo Xiray Maareeyaha guud ee shirkadda Isgaarsiinta Somtel “ujeedada aan u Daah-fureyno Saamiyada Wejigii Labaad Waa in macaamiisha Somtel ay ka mid noqdaan milkiilayaasha guud ee shirkadda Iyadoo Sanadkii 2018 Wejigii koowaad aan u furnay Macaamiisheena Saamiyo dhan (1033) Saami Waxaan rajeeyneynaa in Sedex Sano kadib Macaamiishena sharafta leh U furno Saamiyo ka badan Kuwii ay shirkaddu Hory ugu furtay bulshada Soomaaliyeed”

Waxaa xusid mudan in shirkadda Somtel sanadkii 2018 u daah-furtay bulshada Soomaaliyeed Wejigii 1aad saamiyadii ugu badnaa abid Iyadoo bulshada Soomaaliyeed ay ka wada qeyb-qaateen

Macaamiishii ay horay u seegtay fursada Saami Ku darsashada Somtel Wejigii Koowaad ayaa Maanta soo buux Dhaafiyay Xafiisyada Saamiyada Somtel Muqdisho si ay uga Faa’ideystaan Fursadaan Taariikhiga ah oo ay Xiliyo badan sugayeen.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: