Wararka

Samiya Xasan ayaa loo dhaariyay xilka Madaxweynaha Tanzania kadib geeridii ku timid Magafuli…


Haweenaydii ugu horeysay ayaa taariikhda ku gashay in ay noqoto madaxweynaha Tanzania kadib geeridii lama filaanka ahayd ee ku timid madaxweynihii hore John Magafuli.

Samiya Xasan ayaa maanta loo dhaariyay xilka, iyada oo gacanta ku haysata kitaabka Qur’aanka, waxayna dhaarta ka dhacday qasriga madaxtooyada oo ku yaala magaalada Dar es Salaam ee ah caasimadda ganacsiga dalkaas.

Waxaa dhaariyay xaakimka guud ee dalkaas Ibraahim Juma.

Haweenaydan qunyar socodka ah ayaa ku xigeen u ahayd Magafuli tan iyo sanadkii 2015-kii, waxaana aad loogu yaqaanaa qof aad u dhawrsoon.

Sida uu qabo dastuurka Tanzania, waxa ay dhamaysanaysaa inta ka dhiman muddo xileedkii madaxweynihii hore, taas oo micnaheedu yahay in afar sano ay xilka sii joogayso ka hor inta aanan doorashada xigta la gaarin.

Sanadkii hore ayay dad badan ka yaabisay kadib markii ay Isbitaalka ku booqatay hoggaamiyaha mucaaradka Tundu Lisu, kaas oo ka badbaaday isku day dil 2017-kii.

Maxay tiri Samiya?

Dhaarinta kadib, Samiya ayaa hadal jeedin ay samaysay ku sheegtay in culeys badan uu garbaheeda saaranyahay, islamarkaasna waxa ay codsatay in meel la iska dhigo kala aragti duwanaanshaha siyaasadda, loona soo jeedsado samotobixinta Tanzania.

Madaxweynihii hore ayay ku tilmaamtay nin waddani ah oo ka baxay qaranka Tanzania.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: