Wararka

Dowladda Somalia ayaa maalintii 2aad ciidamo hor leh geysay degmada Doolow ee gobolka Gedo…


Dowladda Somalia ayaa maalintii 2aad ciidamo hor leh gaysay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, xilli aan la garanayn ujeedada loo gaynayo degmadaasi.

Diyaarado ayaa shalay iyo maanta ciidamadaasi iyo gaadiidka dagaalkaba ka dejiyay Degmada Doolow, ka dib markii ay ka daad-gureeyeen Magaalada Muqdisho.

Saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Xasilinta ee Gobolka Gedo, Bakaal Kooke ayaa ciidamadaasi ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Doolow.

Ciidamadan ayaa gaadiidka dagaalka looga qaaday Garoonka Doolow, iyadoona la geeyay goobihii loogu talagalay in laga dejiyo degmadaasi

Maamulka Jubbaland ayaa maanta walaac ka muujiyay ciidamada ay Dowladda Federaalka ku daabuleyso Gobolka Gedo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: