Wararka

Jubaland ayaa ka qeylo dhaamisay ciidamo iyo hub ay sheegeen in la geeyey degmada Dolow ee Gedo…


Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa war kasoo saartay ciidamo shalay ay dowlada federalka geysey degmada Dolow ee gobolka Gedo.

Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu doonayo in colaad uu ka huriyo gobolka Gedo.

WarSaxaafadeed ka kasoo baxay Maamulka Jubbaland ayaa sidaan u qornaa:

Jubaland waxaa ka jirta xaalad abaarreed oo ba’an, dhalisayna khasaare balaaran oo naf iyo maalba leh. Waxa isbuucyadii la soo dhaafay lagu hawlanaa sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada soo food saartay shacabka ku dhaqan deegaanada Jubaland.

Haddaba, ayadoo ay taasi jirto ayaa waxaa nasiib darro ah in halki Dowladda Federaalku doorkeeda ka geysan lahayd wax kaqabashada dhibaatadaas, inay gobolka Gedo ku sii daabulayso hub, ciidan iyo gaadid dagaal.

Waxa shalay oo taarikhdu ahayd 19 Maarso 2021, hub, gaadid dagaal iyo ciidan laga dejiyey deegaanada Daawo ee gobolka Gedo, oo awalba la il daraa maleeshiyaad Dowladu Federaalka halkaasi geysay oo dagaallo ka riday, una geystay shacabka deegaankaas boob iyo barakicin. Waxaa iyana ayaan darro ah in ayadoo waddanku ku jiro xili kala guur ah, dhammaadayna muddo xileedkii Madaxweynaha Federaalka iyo Goleyaasha Sharci-dejintu, cid walba oo Soomaaliya danaynaysana ay ku baaqayso in diiradda la saaro wada hadal lagu dhammaystirayo caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, uu Madaxweynaha waqtigiisii dhammaaday weli ka waantoobi la’ yahay dagaal oogid, abuuridda carqalado hor leh iyo ku tumashada dastuurka iyo sharciga dalka u yaalla.

Arrimahaas ayaa looga gol leeyahay jabinta heshiis kasta oo looga gudbi lahaa si mari waaga jira.

Haddaba, Dowlada Jubaland waxay caddaynaysaa in masuliyadda wixil ka dhasha gulufkaas colaadeed uu qof ahaan u yeelan doono Madaxweynaha muddo xileedkisi dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayna noqon doonto xadgudub aan waligiis ka harin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: