Wararka

Laftagareen ayaa maanta dib ugu soo laabtay Mogadishu kadib safar uu ugu maqnaa dalka Turkiga…


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib todobaadyo uu ku maqnaa dalka Turkiga.

Dib ugu soo laabashada Lafta Gareen ayaa ku soo aaday maalin ka hor shirka uu iclaamiyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo oo berri dhici doona.

Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maalinta berri ka dhici doona Xarunta Afisyooni.

Wararka ayaa sheegaya in shirkaas ammaankisa ay sugayaan Ciidamada AMISOM, sidoo kale waxaa fududeyneysa Qaramada Midoobey iyo Safaaradda Mareykanka.

Caqabado ayaa weli ku xeeran qabsoomida shirka, iyadoo Madasha Badbaadada Qaran ee ay ku mideysan yihiin Midowga Musharaxiinta, Madaxda Puntland, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ay ku baaqeen in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu amniga wareejiyo.

Shirka ayaa la filayaa inay damaanad qaade ka noqoto Beesha Caalamka, sidoo kale waxaa shirkan uu saldhig u noqonayaa heshiiskii doorashada ee 17 September iyo wixii ka soo baxay shirkii Baydhabo ka dhacay 16 Febraayo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: