Wararka

Manchester City ayaa u soo baxday wareega nus dhamaadka ee FA Cup-ka kadib markii 2-0 uga…


Manchester City ayaa u dabaaldegtay rikoor cusub ka dib markii ay 2-0 kaga badisay Everton habeenkii Sabtida ee wareega quarter-finalka FA Cup.

Manchester City ayaa ku sheegtay – iyada oo u mareysa boggeeda rasmiga ah – inay dhigtay taariikh cusub ee taariikhdeeda iyadoo sii wadata rikoorkeeda aan laga badinin 17 kulan oo isku xigta oo ay marti ahaayeen, tartamada oo dhan.

Manchester City, oo uu hogaaminayo tababare Pep Guardiola, ayaa jabisay rikoor ay kooxdu dhigtay intii uu joogay Joe Roel intii u dhaxeysay Janaayo iyo September 1999.

Naadigu wuxuu intaa ku daray inay gaareen 14 guul oo isku xigta oo banaanka ah, taasoo rikoor cusub u ah taariikhda naadiga iyo heerka gudaha sidoo kale.

Guardiola ayaa amaanay ciyaartoyda kooxdiisa, wuxuuna carabka ku adkeeyay inay ahaayeen kuwo cajiib ah, wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay Riyad Mahrez iyo Kevin De Bruyne oo uu sheegay inay badaleen laxanka ciyaarta daqiiqadihii ugu dambeeyay, taasoo u suurta galisay kooxda inay gaarto goolka isla markaana ay u qalanto nus dhamaadka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13722 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: