Wararka

Niman haweenay ku hor kufsaday caruurteeda hortooda ayaa dil lagu xukumay dalka Pakistan


Maxkamad ku taal Pakistan ayaa laba nin ku xukuntay dil kadib markii lagu helay dambi ah in ay geysteen kufsi, iyadoo dhacdadaasi ay dhalisay caro dadweyne oo weyn.

Labada nin ayaa kula kulmay haweeney Pakistani-Faransiis aheyd meel u dhow wadada weyn ee magaalada Lahore, Kadib markii gaarigeeda shidaalka uu ka dhamaaday, kadibna ku soo xoomey gaariga si ay u dhacaan kadibna ku hor kufsaday haweeneyda labadeeda caruur hortooda.

Booliska ayaa haweeneyda wax ka weydiiyay sababta ay xilli dambe oo habeenkii ah ay u mareysay jidkaasi taasi oo dhalisay dibadbaxyo ballaaran.

Maxkamad gaar ah oo ku taal magaalada Lahore ayaa dambi ku heshay Abed Mahli iyo Shafqat Ali inay labaduba galeen dambiyada lagu soo oogay oo kala ah kufsi wadareed, afduub, xatooyo iyo argagixisanimo.

Wakaaladda Wararka ee Faransiiska ayaa soo xigatay qareennada labada nin, oo ah qareenka eedeysanayaasha, in uu codsan doono in racfaan laga qaato go’aanka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: