Wararka

Farmaajo ayaa shir guddoomiyay shir gaar ah oo horudhac u ah shirka lagu balansan yahay…


Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa tegay Teendhada lagu wado in uu dhawaan ka furmo shirka ayaa shir gaar ah ugu bilowday.

Goobta shirka ayaa waxaa ka maqan Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Deni iyo Axmed Madoobe aysan kasoo qeybgali doonin shirka oo uu dhawaan iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada goor dhow ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sepember 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Amniga Xerada Afisiyooni ayaa aad loo adkeeyay, waxaana socda dadaalo ay wadaan Xubnaha Beesha Caalamka ee ku aadan in shirka ay tagaan Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13839 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: