Wararka

Madasha Badbaado Qaran ayaa shir uga furmay magaalada Mogadishu kaas oo hareer socda…


Waxaa maanta Magaalada Muqdisho shir uga furmay golaha la magac-baxay Madasha Badbaado Qaran, oo toddobaadkii hore Caasimadda Muqdisho looga dhawaaqay.

Madashan ayaa waxaa ku mideysan Maamulada Jubbaland, Puntland, Midowga Musharixiinta iyo Golaha Siyaasiyiinta ee Somaliland.

Madaxweyneyaasha dowlad goboleedka Puntland, Jubbaland, Xubnaha Midowga Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta Golaha Waqooyi ayaana ka qaybgalay furitaanka shirka.

Gudoomiyaha Madasha Badbaado Qaran, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo geba-gabadii la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulamada madasha sii socon doonaan, inta dalka laga badaadinayo xaaladda uu marayo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14096 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: