Wararka

Xafiiska QM ee Somalia ayaa ku baaqay in la qabto kulamo aan rasmi aheyn oo dheeraad ah…


Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somalia (UNSOM) ayaa war ka soo saaray fashilka hareeyay shirkii wadatashiga qaran ee maanta, ka dib markii aanay ka qaybgelin Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Shirkan ayaa waxaa Xerada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ka furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ku wehlinayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoona uu qorshuhu ahaa in looga hadlo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Ka hor furitaanka shirka waxaa uu Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu ku baaqay in marka hore laga hadlo arrimaha Ciidanka Qaranka, ka hor inta aan la guda gelin doodaha doorashooyinka.

War ka soo baxay Xafiiska UNSOM ayaa dhinacyada loogu baaqay inay yeeshaan kulamo aan toos ahayn, si is afgarad looga gaaro khilaafka wiiqay hannaanka geedi-socodka ee doorashooyinka.

Warka ayaa marka hore lagu yiri “Qaramada Midoobey waxa ay ka war haysaa kulanka maanta ee horudhaca u ahaa shirka la qorsheeyay inuu Muqdisho ka qabsoomo, oo qayb ahaan ay goobjoog ka ahaayeen dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.”

“Qaramada Midoobey waxay ku baaqaysaa kulamo aan rasmi ahayn oo dheeraad ah, si loo xaqiijiyo ka soo qaybgalkii loo baahnaa, oo ah mid dhameystiran, si loo gaaro aragti la isku raacsan yahay oo ku saabsan qaabka doorashada ee 17-kii September.”

Dhanka kale Danjiraha Ingiriiska ee Somalia, Kate Foster ayaa iyana ku baaqday in wadahadalada aan tooska ahayn ay sii socdaan, si looga gudbo caqabadaha hareeyay arrinta doorashada.

“Wadahadal dheeri ah waa inuu sii socdaa. Ka qaybgal buuxa iyo is afgarad buuxa oo ku saabsan hirgelinta qaabka doorashada ee 17-kii September. Waa wadada keliya ee horey loogu socon karo iyo tan ugu wanaagsan ee danta Somalia.” Ayay tiri Kate Foster oo warkan ku sheegtay qoraal ay dadka kula wadaagtay barteeda Twitter-ka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: