Wararka

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka FS Somalia ayaa shir uga socda Hotel Decale…


Xildhibaano Ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa hadda shir uga socdaa hotelka Decale oo ku yaala gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa kulankooda ugaga arinsanaya in haddii wada-hadalka u dhexeeya dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada uu guul dareesto ay tahay in Baarlamaanka Soomaaliya lagu celiyo doodda Doorashada.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ay doonayaan in Baarlamaanka uu muddo kordhin u sameeyo madaxweynaha isla markaana doorashooyinka ay noqdaan kuwo qof iyo cod ah maadaama laga heshiin waayay doorashada dadban.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: