Wararka

Cabdirashiid Janan ayaa gaaray magaalada Beled-Xaawo halkaa oo uu kulamo kula yeeshay…


Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan uu gaaray magaalada Beled-Xaawo halkaa oo uu kulamo kula yeeshay saraakiil ka tirsan Sirdoonka Qaranka.

Guud ahaan ammaanka magaalada Beledxaawo ayaa aad loo adkeeyay iyadoo halkaa ay gaareen ciidamo badan.

Wararka ayaa sheegayaan in kulankooda dhameystir u yahay heshiis muddooyinkan laga soo shaqeynayay, waxaana la filayaa in C/rashiid Janan galabta la geeyo magaalada Muqdisho, iyadoo diyaaradda qaadi laheyd ay taagan tahay garoonka diyaaradaha Doolow.

Cabdirashiid Janan ayaa la sheegay in ciidamo badan oo uu wato uu ku wareejinayo dowlada federalka isla markaana lagu biirinayo ciidamada dowlada.

Dowladda Federaalka ayaa xabsiga dhigtey Cabdirashiid Janan bishii Augost ee 2019-kii hase yeeshee waxa uu ka baxsaday 1dii September 2019.

Hay’adda Amnesty International oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeysay Cabdirashiid Janan in uu masuul ka ahaa dembiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: