Wararka

Deni ayaa muuqaal foggaan aragga kula kulmay Safiirka Turkiga ee Somalia Amb. Yilmaz…


Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay muuqaalka foggaan-aragga ee Zoom-ka kulan kula yeeshay Safiirka Turkiga ee Somalia, Amb. Mehmet Yilmaz.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Danjiraha Turkiga ka wadahadleen xaaladda dalka, gaar ahaan midda doorashooyinka.

“Waxaan caawa kulan kula qaatay hab-ka maqal iyo muuqaalka ah ee (Zoom), Safiirka Dowladda Turkiga ee Somalia, Danjire Mehmet Yilmaz, waxaan ka wadahadalnay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni oo warkan ku sheegay bartiisa Facebook.

Kulankan ayaa imaanaya, xilli Madaxda Puntland iyo Jubbaland iska diideen ka qaybgalka shirka wadatashiga qaran, oo shalay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka furay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni ayaa Axaddii sheegay in ka hadalka arrimaha doorashooyinka ee dalka ay ka horeyso in marka hore laga hadlo Ciidanka Qaranka, oo sida uu sheegay ay gaar ahi u isticmaalaan Madaxda Dowladda Federaalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: