Wararka

Diego Simeone ayaa sanadkii mushaar ahaan u qaata laba jibaar inta uu qaato Pep Guardiola…


Waxaan had iyo jeer maqalnaa xiddigaha kubada cagta ee mushahar ahaan loo siiyo tobanaan milyan oo euro sanadkii, laakiin inbadan oo naga mid ah ma oga in xitaa tababarayaasha kooxaha ay noqdeen xiddigo sidoo kale la siiyo mushaar aad u fara badan.

Waxaa xusid mudan in tababaraha reer Argentine Diego Simeone, tababaraha Atletico Madrid, oo aan ku guuleysan sanadihii ugu dambeeyay inuu gaaro wax horyaal gudaha ah ama Champions League, ayaa hogaaminaya liiska shanta tababare ee ugu mushaharka badan adduunka, halka tababaraha Jarmalka Hans Falck, kaasoo ku hogaamiyay Bayern Munich lix jeer oo guulo taariikhi ah xilli ciyaareedkii hore, kuma jiro liistada, sidoo kale mushaharka Tababaraha reer Argentina ee Simeone ayaa laba jibaar ku ah mushaharka tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola, kaasoo socdaal dheer kula guuleystay koobab kooxo ka dhisan dalalka Spain, Jarmalka iyo England.

Diego Simeone (Atletico Madrid): 43.2 milyan oo euro
Josep Guardiola (Manchester City): 22.6 milyan euro
Jose Mourinho (Tottenham Hotspur): 17 milyan oo euro
Jurgen Klopp (Liverpool): 17 milyan oo euro
Zinedine Zidane (Real Madrid): 16.8 million euro

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: