Wararka

Midowga Yurub ayaa fariin hanjabaad ah u diray Madaxda DF iyo Dowlad Goboleedyada…


Bayaan uu ku saxiixnaa madaxa siyaasada Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa farriin hanjabaad laga dheehan karay loogu diray Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Bayaanka ayaa marka hore lagu sheegay in Madaxda Soomaalida looga baahan yahay inay tanaasul la yimaadaan, si horey loogu dhaqaajiyo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

“Hoggaamiyeyaasha Somalia waxa ay u baahan yihiin inay helaan tanaasul horseedaya geedi-socod doorasho oo deg-deg ah iyo in si nabad ah xukunka loogu kala wareego, iyadoo loo marayo hirgelinta heshiiskii 17-ka September. Heshiis la’aanta hadda jirta waxay si weyn u daahineysaa xawaaraha is bedelada, sida deg-degga ah loogu baahan yahay.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxda Soomaalida ayaa loogu yeeray in danta gaarka ah ka hormariyaan midda guud, ciddii carqalad ku noqotana wadahadalada amaba rabshado sameysa ay la kulmi doonaan cawaaqibta ficiladooda.

“Marka mudnaanta shakhsiyadeed ay ka sareyso danta guud ee dalka, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ayaa naftooda ku ceebeeya inay metelaan muwaadiniintooda. Kuwii wax u dhimaya wadahadalka ama adeegsiga rabshadaha waxaa loo soo bandhigi doonnaa tallaabooyin, waxayna la kulmi doonaan cawaaqibta ficiladooda.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Madaxda Federaalka iyo dowladaha xubinta ka ah waa inay xushmeeyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed, isla-markaana ay si deg-deg ah u qabtaan Doorashooyinka Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada. Ma jiro wax kale, geedi-socod dhinac ah ama qayb ahaan ah, oo heli doona taageeradeenna.”

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada qaarkood, ay isku aragti ka yihiin sida ay arrimuhu u socdaan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: