Wararka

Dowladda Somalia ayaa cambaareysay falkii foosha xumaa ee ka dhacay magaalada Dhahar…


Dowladda Soomaaliya ayaa ku cambaareysay Maamulka Puntland fal ay ku kaceen ciidamada Amniga Puntland, kaasi oo ahaa inay xoog iyo xabad ugu adeegsadeen dad ku bananbaxayay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag.

Qoraal kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa loogu baaqay maamulka Puntland in uu dhowro xasiloonida isla markaana tixgeliyo shacabka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed. Fal kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacab aan hub wadan waa mid aan la aqbali karin. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

Hase yeeshee, Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan inay dibadbaxyo ka abaabulayan degaano ka tirsan Gobolka sanaag.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Dabaraani ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay fowdo iyo kicin dadweyne ka wado meelo kamid ah gobolka Sanaag, hayeeshee Puntland ay ka hortagtay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: