Wararka

Faah faahin ayaa ka soo baxeysa weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Garoonka Aadan Cade…


Faah faahin ayaa ka soo baxeysa weerar madaafiic ah oo maanta lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan oo aan la garanayn halka laga soo tuuray ayaa ku dhacay Waaxda Xalane ee Degmada Wadajir, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay madaafiicdaasi, halka shan kalena ay ku dhaawacantay, iyadoona dhibaneyaasha loo qaaday goobaha caafimaadka.

Mid ka mid ah madaafiicdaasi ayaa ku dhacay guri ay degenaayeen qoys ka kooban sideed qof, waxaana ku dhintay aabihii reerka iyo canug yar oo umul ahaa, halka saddex kale oo xubnihii qoyskaasi ka mid ahaana ay ku dhaawacmeen.

Laamaha ammaanka ayaan ka hadlin weerarka madaafiicda loo adeegsaday ee loo tuuray dhanka Garoonka Aadan Cadde, sidoo kalena waxaan jirin cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.

Weerarkan ayaa imaanaya, xilli Garoonka Aadan Cadde ay ku sugan yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada.

9-kii bishan ayay ahayd markii weerar ceynkani oo kale ah lagu qaaday Xerada Xalane, oo saldhigga ugu weyn ay ku leeyihiin Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, sidoo kalena ay degan yihiin diblomaasiyiinta shisheeye.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13722 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: