Wararka

Janan: Xilligaasi xilli waaga ka baryay weeye, xilli hadda Axmed Madoobe warqad uu qoray…


Wasiirkii Amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa Arbacadii gaaray Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, ka dib markii uu heshiis la gaaray Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xilka ka qaaday Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirkiisii Amniga.

Cabdirashiid Janan oo ka hadlay waxa ay Dowladda Federaalka ku heshiiyeen ayaa yiri “Dowladda Somalia waxaan ku heshiinay in khilaafkii jiray laga heshiiyo, shacabka Soomaaliyeed-na loo turo, dowladnimada ummadda Soomaaliyeed muddo ka maqneyd oo rajadeedii hadda la helay, oo ah geedi-socodka wanaagsan ee ku socoto in laga wada shaqeeyo, sidii ummadda Soomaaliyeed qaranimadeedii iyo sharafteedii loo soo celin lahaa, khilaafkana la xiro.”

Isagoo la hadlayay BBC ayuu yiri “Xaqiiqiyan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan aniga shakhsiyan, shacabka Soomaaliyeed ama ururo Soomaaliyeed intaba way i fiirinayeen, oo ay is lahaayeen dabcan xal ma gaari doonnaa, oo ummadda Soomaaliyeed wax farxadeeda ah ay ka soo baxdo.”

Su’aal ahayd sida uu u arko xil ka qaadista uu Madaxweynaha Jubbaland ku sameeyay ayaa sheegay in laga soo gudbay xilligii sax iyo khalad uu xil ka qaadistaasi u arki lahaa.

“Xilligaas xilli waaga ka baryay weeye, xilli hadda Axmed Madoobe warqad uu qoray sax maaha taas ayada ah, ma u arko hadda.” Ayuu yiri Cabdirashiid Janan.

Cabdirashiid Janan oo la weydiiyay waxa uu hadda noqonaayo, haddii xilkii laga qaaday ayaa sheegay in uu mar kasta yahay shakhsi reer Jubbaland ah.

“Aniga mar kasta shakhsi reer Jubbaland ayaan ahay, taas igama suuleyso, kamana tagaayo, masuuliyadda xil inaan haayo iyo inaanan haynin waa wax kale markaas ayada ah, laakiin shakhsiyan inta aan noolahay shakhsi waxaan ahay reer Jubbaland ah oo Soomaali ah, oo qaranimada Soomaaliyeed guud ahaan iyo midda gaar ahaaneed reer Jubbaland oo wanaagooda iyo maslaxadooda inuu ka shaqeeyana u taagan mar kasta. Waxaan ahaanayaa marka shakhsiyan Cabdirashiid-kii aan shalay ahaa.” Ayuu yiri Wasiirkii hore ee Jubbaland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu ka shaqayn doono, sidii loo heli lahaa Jubbaland loo dhan yahay, oo dadkeeduna isu raacsan yihiin.

Janan waxaa uu xusay ciidamada iyo gaadiidka dagaalka ee uu wato in uu ku biirin doono kuwa qaranka, ayna qaranimada Soomaaliyeed ka wada shaqayn doonaan, sida uu yiri.

Janan ayaa bishii August ee sanadkii 2019 lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, ka dib markii Dowladda Somaliya ay ku eedeysay in uu gaystay gabood-falo ka dhan ah aadanaha, xabsiga ayuuse ka baxsaday bishii January ee sanadkii 2020.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: