Wararka

Kooxda qaranka Turkiga aya ku barbaratay qaranka Netherlands ciyaar ka dhacday Istanbul…


Kooxda qaranka Netherlands ayaa qalbi jabtay kadib markii kooxda qaranka Turkiga ay uga badisay 4-2 ciyaar ka dhacday Istanbul oo ah isreebreebka koobka adduunka ee 2022 oo lagu qaban doono dalka Qatar.

Laacibka reer Turkey Burak Yilmaz ayaa dhaliyey seddax gool (a hat trick) shalay oo Arbaco aheyd.

Kooxda Turkiga ayaa 3-0 ku hogaamineysay qeybtii hore ee ciyaarta, labo gool ka mid ah waxaa u dhaliyey Yilmaz halka goolka kale uu dhaliyey Hakan Calhanoglu, inkastoo ay ciyaarta is bedeshay markii ay soo galeen Davy Klaassen iyo Luuk de Jong oo ay dhaliyeen labo gool, taasi waxay rajo ku soo celiyey tababaraha Dutch-ka.

Yilmaz’s hat trick-giisa ayaa guul u horseeday kooxda Turkida oo ka wada tirsan group G.

Tababaraha Dutch-ka De Boer ayaa ku tilmaamay ciyaartaasi mid qalbi jab leh natiijadeeda.

Guul daradan ayaa bilow xun u ah kooxda Netherlands, kuwaasi oo ku guul dareystay Euro 2016 ama ciyaartii koobka adduunka ee 2018, inkastoo ay yihiin kuwa ugu firfircoon ciyaartii dib loo dhigay ee Euro 2020 finalka ee sanadkan.

Goolasha Netherlands ayaa waxaa u dhaliyey Klaassen iyo Luuk de Jong.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13839 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: