Wararka

Saaxiibada caalamka ee Somalia ayaa juhdi ku bixinaya sidii looga gudbi lahaa caqabadaha…


Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa maanta shir la xiriira arrimaha doorashooyinka ee dalka ku leh Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa lagu wadaa inay ka qaybgalaan Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Puntland.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonnaa, sidii heshiis looga gaari lahaa qodobada ku xeeran shirka wadatashiga qaran, oo ay ku kala aragti duwan yihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada qaarkood.

Shirkan oo qaban-qaabadiisa ay Wakiilada Beesha Caalamka leeyihiin ayaa looga gol leeyahay in marka hore is afgarad laga gaaro wadahadalada, si shirka Xerada Afisyooni uu u miro dhalo.

Saaxiibada caalamka ee Somalia ayaa juhdi ku bixinaya in laga gudbo caqabadaha ku horgudban hannaanka geedi-socodka ee doorashada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: