Wararka

Ciidamadii Mareykanka ee laga saaray Somalia ayaa suurtagal ah in dib loogu soo celiyo…


Golaha Senate-ka ayaa sarkaal ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ka dhageystay warbixin ay qeyb ka aheyd saameynta ay yeelatay ciidamadii uu bilo kahor madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ka soo saaray Soomaaliya.

Sarkaalka ayaa sheegay in maamulka Biden uu go’aannadaasi dib u eegis ku sameynayo, iyada oo ay suurtogal tahay in ciidankaasi dib loogu celiyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Maraykanka Biden ayaa siyaasadihiisa waxaa kamid ah inuu go’aanadii hore ee madaxweynihii hore Trump uu dib uga laabto iyadoo xukuumada cusub ee Biden ay bilowday inay dib loogu laabto tallaabooyinkii xukuumadii ka horeysay.

Arrimaha Milatariga ayaa ka mid ah tallaabooyinka uu qorsheynayo Madaxweyne Biden taasoo qeyb ka ah in ciidamada Maraykanka ee hore u joogay Soomaaliya dib loogu soo celiyo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: