Wararka

Lafta-gareen ayaa maanta la kulmay Danjiraha Ingriiska ee Somalia Kate Foster…


Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa gelinkii dambe ee maanta la kulmay Danjiraha Ingiriiska ee Somalia, Kate Foster.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xaaladda guud ee dalka, midda doorashada, amniga iyo arrimo kale, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa la kulmay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster. Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa ugu horeyn soo dhaweeyay Safiiradda, wuxuuna kala hadlay sidii loo laba jibaari lahaa shaqooyinka ay ka hayaan Deegaanada Koonfur Galbeed iyo sidoo kale xaalada guud ee Somalia ee xiligan ka jirta, sida doorashooyinka iyo amniga.”

“Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Somalia ayaa sheegtay inay sii laba jibaari doonaan taageerada Koonfur Galbeed ee dhinaca ciidamada.”

Kate Foster ayaa qayb ka ah dadaalada ay diblomaasiyiinta shisheeye xalka ugu raadinayaan, sidii dalka doorasho loo dhan yahay uga qabsoomi laheyd.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: