Wararka

Guddoomiye Mursal ayaa tobon iyo shan Xildhibaan ka ganaaxay shan kulan oo kulamada…


Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shan iyo toban Xildhibaan ka ganaaxay shan kulan oo kulamada Golaha Shacabka ah.

Xildhibaanadan ayaa lagu eedeeyay inay is hortaag ku sameeyeen kulankii shalay, ee ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ku lahaayen Xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah Xildhibaanada la ganaaxay ayaa mar sii horeysay sheegay in Guddoonka Golaha Shacabka uu damacsanaa ajande aan ahayn kan la iclaamiyay, oo ahaa in kulanka looga hadlayo xanuunka COVID-19.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu shaaciyay ganaaxa Xildhibaanada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: