Wararka

Macalin Iskuul ee Britain ayaa muteystay in shaqada laga hakiyo kadib markii uu tusay ardaydiisa…


Codsi lagu difaacayo macallin Iskuul oo ku sugan Britain, kaasoo ardayda tusay kartoon “aflagaado ama naceyb” oo ku saabsan Nabi Muxamed, ayaa waxaa saxiixay in ka badan 44,000 oo qof.

Iskuulka Batley Grammar School, oo kuyaala gobolka West Yorkshire ayaa goobjoog u ahaa, hakinta shaqadii macalinka, kadib banaanbaxyo ka dhacay banaanka iskuulka.

Banaanbayaasha qaarkood ayaa waxay ku baaqeen in macallinka gabi ahaanba shaqada laga ceyriyo, iyagoo ku eedeeyay iskuulka in uusan si dhab ah wax uga qaban dhacdada.

Codsiga lagu difaacayo macallinka ayaa leh “uma qalmo cawaaqib ceynkaan oo kale ah oo sidaa u weyn”, waana waajib inuu ku laabto shaqada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: