Wararka

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal amni xaqiijin ka sameeyey wadada u dhaxeysa Baydhabo iyo…


Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgal amni xaqiijin ka sameeyay wadada dheer ee xiriirisa Magaalada Baydhabo iyo Deegaanka Doynuunay ee Gobolka Baay.

Doynuunay oo 26km u jirta Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku soo noqnoqday weerarada ay ka gaysanayaan maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaan wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyada Al Shabaab, intii ay hawlgalka wadeen, iyagoona si nabdoon ku gaaray Doynuunay.

Taliyaha Guutada 8aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Maxamed Nuur Maxamed (Mad Dheere) oo hawlgalka hoggaaminayay ayaa geba-gabadii hawlgalkaasi sheegay in ujeedka hawlgalka uu ahaa in laga hortaggo Shabaabka caadeystay daadinta dhiigga shacabka.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Doynuunay waxaa uu ku hanjabay inay taggi doonaan goob kastaa, oo maleeshiyada Al Shabaab ku dhuumaaleysanayaan, sida uu yiri.

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa dagaal kula jira Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Shabaabka oo lagu tilmaamo dhaqdhaqaaqa ugu weyn ee Geeska Afrika ka hawlgala ayaa ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka iyo joogitaanka dalka ee Xoogaga AMISOM.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: