Wararka

Diyaarad ay la socdeen wafdi ka socday Imaaraatka ayaa loo diiday inay gaaraan deegaanka…


Wafdi ka socday wadanka Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa loo diiday in ay gaaraan deegaanka Garacad oo ka tirsan degmada Jarriiban ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Dadweyne ka soo jeeda deegaanka Garacad ayaa la sheegay in ay ka hor yimaadeen in diyaaradda ay saarnaayeen wafdiga Imaaraatka iyo masuuliyiin katirsan Puntland ay ka degto garoonka diyaaradaha deegaankaas.

Diyaaradda ayaa dib ugu laabatay magaalada Garowe oo ay markii hore kasoo kacday, iyadoo aan la ogeyn sida ay ka yeeleyso falkan maamulka Puntland.

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa lagu sheegay in ay kormeer ku sameeyaan dekeda Garacad laga dhisayo taasoo ah deked isku tashi ah.

Maamulka Puntland ayaa deegaankaas xalay geysay ciidamo ka tirsan kuwa mariiniska oo uu Imaaraatku taageero, kuwaas oo loo geeyay in ay sugaan ammaanka wafdiga Imaaraadka Carabta.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13839 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: