Wararka

Qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka ayaa la kulmay Deni iyo Axmed Madoobe…


Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa Garoonka Aadan Cadde kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka qaarkood, kuwaa oo ay ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray, sida ugu haboon ee uu ku qabsoomi karo shirka wadatashiga qaran, kaasoo la hadalhayo in ajandihiisa lagu kala aragti duwan yahay.

Qoraal goor dhow ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, oo uu wehlinayo Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Deni ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Somalia. Kulanka ayaa lagaga hadlay qaabka ugu haboon ee uu ku qabsoomi karo shirweynaha arimaha doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha ka jira qaabka uu shirku ku qabsoomayo.”

“Labada Madaxweyne ayaa Beesha Caalamka la wadaagay aragtidooda la xiriirta qabsoomidda shirka.”

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somalia, Wakiilka Midowga Afrika, Wakiilka Midowga Yurub, Safiirada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa goobjoog ka ahaa kulanka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: