Wararka

Qoorqoor ayaa qado sharaf gurigiisa ugu sameeyay Lafta gareen iyo Guudlaawe si ay isu…


Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta qado sharaf gurigiisa ugu sameeyay, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen (Guudlawe).

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo siduu uu ku qabsoomi lahaa shirweynaha wadatashiga doorashooyinka ee Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynayaasha Saddexda dowlad Goboleed ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay kulamo muqdisho kula lahaayeen Madaxweynayaasha labada dowlad Goboleed Jubbaland iyo Puntland si ay ugu qanciyaan ka qeyb galka shirka Teendhada Afisiyooni balse ku guuldareystey.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: