Wararka

Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdicasiis Lafta gareen ayaa ku kulmay magaalada Mogadishu…


Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa xalay hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed ka wadahadleen xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka ka taagan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay isla soo qaadeen, sidii dalka lagu gaarsiin lahaa doorasho heshiis lagu yahay, jewi nabdoona ku dhacda.

“Waxaa caawa booqasho noogu yimid Cabdicasiis Lafta-gareen, Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Somalia iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, iyada oo aan ka wadahadalnay xaaladda cakiran ee dalka iyo sida lagu gaari karo doorasho heshiis lagu yahay, kuna dhacda jewi nabdoon oo lagu wada kalsoon yahay.” Ayuu yiri Shariifkan oo warkan ku sheegay bartiisa Facebook.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14096 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: