Wararka

15kii Xildhibaan ee laga ganaaxay kulamada Golaha ayaa la sheegayaa in la cafiyey…


Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu aqbalay in cafis loo fidiyo 15-kii Xildhibaan ee laga ganaaxay shan kulan, oo ka mid ah kulamada Golaha Shacabka.

Xildhibaanadan ayaa Sabtidii lagu eedeeyay in is hortaag ku sameeyeen kulan uu xilligaa Golaha Shacabka ku lahaa Xaruntooda Magaalada Muqdisho, xilli Xildhibaanadu ka biyo diidaneyd qorshe socday oo sida ay sheegeen muddo kordhin loogu sameynayo Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.

Xildhibaanadan ayaa laga hor istaagay inay ka qaybgalaan kulan ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ku yeesheen Xarunta Villa Hargeisa, ka dib markii ciidan fara-badan lagu soo daadiyay barraha kontoroolada ee laga ilaaliyo Aqalka Madaxtooyada iyo isgoysyada qaar ee Magaalada Muqdisho.

Xubno uu horkacayay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Somalia, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo la kulmay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay in Guddoonka uu cafis u fidiyo Xildhibaanadasi, taasoona uu Gudoomiye Mursal aqbalay.

Xildhibaanadan ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan kulanka maalinta Sabtida ay Golaha Shacabka ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, haddii aanu qorshuhu waxba iska bedelin.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: