Wararka

Maamulka Jubbaland ayaa bandow habeenkii ah ku soo rogay magaalada Kismaayo…


Maamulka Jubbaland ayaa Bandow habeenkii ah ku soo rogay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, kadib markii ay korortay saameynta ay ku yeelatay cudurka Coronavirus.

Bandowga ayaa ku aadan ka hortagga faafida cudurka Coronavirus oo muddooyinkii dambe dad ugu dhinteen magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ayaa sheegay in bandowga uu dhaqan galayo habeenkii marka saacada tahay 8-da fiidnimo.

Waxaa la sheegay in shalay kaliya magaalada Kismaayo laga diiwaan geliyay dhimashada illaa labaatameeyo ruux.

Sidoo kale waxaa amar lagu bixiyay in iskuulada iyo goobaha waxbarashada la xiro.

Shaqaalaha hey’adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga aheyn ayaa la faray in la yareeyo, isla markaana kuwa aan looga maarmin ay soo qaataan af xirka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: