Wararka

Madaxda DF, Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu…


Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu wadaa inay ku kulmaan Magaalada Muqdisho.

Shirka oo ka dhacaya Xerada Afisyooni ayaa looga hadli doonnaa hirgelinta heshiisyadii 17-kii September iyo 16-kii February.

Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan shirkan, oo si dhow looga hadli doono ajandaha shirka wadatashiga qaran ee lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa habeenkii Jimcaha ku baaqay in madaxdu isugu yimaadaan shir looga hadlayo hirgelinta heshiisyadii 17-kii September iyo 16-kii February, oo ku qotoma qaabka doorasho ee dalka.

Doorashada dalka ayaa ka dib dhacday xilligii loogu talagalay inay dalka kaga qabsoomto, welina ma jirto waqti heshiis lagu yahay oo doorashada ay dhici doonto.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: