Wararka

Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay maqaayad ku taal degmada Shingaani ee Mogadishu…


Qof xirnaa jaakadaha qarxa ka buuxaan ayaa isku qarxiyay goob maqaaxi ah oo ku taal degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa dhacay abaarihii 7-dii fiidnimo, waxaana la sheegay in khasaare kala duwan uu jiro.

Ninka is qarxiyay ayaa beegsaday goobta maqaaxida shaaha lagu iibiyo oo aan sidaa uga fogeyn goob kale oo Qaadka lagu iibiyo.

Sidoo kale goobta qaraxa ka dhacay ayaa ku dhow Saldhigga Booliska degmada Shingaani iyo Wasaaradda Gaadiidka.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya inuu jiro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxa ismiidaaminta.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: