Liverpool ayaa iska fujisay Arsenal kadib markii ay 3-0 uga badisay tartanka Premier League…
Liverpool ayaa dib usoo ceshatay isku dheelitirkeedii ciyaaraha Premier League ka dib markii ay 3-0 kaga badisay Arsenal Sabtidii, wareega 30aad ee Premier League, iyadoo ay uga mahadcelinayaan weeraryahanadooda Diego Guetta iyo Mohamed Salah.
Guushan weyn ayaa sare u qaaday niyadda Liverpool ka hor kulanka ay Talaadada soo socota ay la ciyaarayaan Real Madrid lugta hore ee wareega 8da Champions League.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah, laakiin markii uu soo galay laacibka reer Portugal ee beddelka ahaa, Jota, waxtarka weerarka ee Liverpool ayaa sii xoogeystay qeybtii labaad, waxayna taasi dhalisay inay dhaliyaan 3 gool 18 daqiiqo gudahood.
Jota ayaa dhaliyay labo gool daqiiqadihii 64aad iyo 82aad, halka Salah uu dhaliyay gool daqiiqadii 68aad.
Salah ayaa kor u qaaday goolashiisa oo gaarsiiyey 18 gool si uu u noqdo gooldhaliyaha ugu sareeya Premier League, isagoo hal gool ka sareeyo weeraryahanka Tottenham Hotspur Harry Kane.
Liverpool ayaa sare u qaaday dhibcaheeda oo gartay 49 dhibcood, si ay uga boodo booska 7-aad una gasho kaalinta shanaad farqiga goolasha oo u dhaxeeya iyada iyo West Ham, oo wajaheysa Wolverhampton Isniinta dhamaadka wareeggan.
Dhinaca kale, dhibcaha Arsenal ayaa ku joogsaday 42 dhibcood oo ku jirta kaalinta sagaalaad, maadaama hamiga kooxda uu ahaa inay xirato boos ka mid ah kuraasta loogu tartamayo horyaalada Yurub, sidaa darteed tani waxay ku tahay dharbaaxo culus.
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com
U dhaaf Halcelis