Galmudug ayaa xaqiijisay in sagaal qof ay xanuunka Covid-19 ugu geeriyoodeen…
Galmudug ayaa xaqiijisay in sagaal qof ay xanuunka COVID-19 ugu geeriyoodeen deegaanadeeda, sideed iyo afartankii saac ee la soo dhaafay.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Axmed Mire Faafaale ayaa sheegay in xanuunka COVID-19 uu si weyn u gilgilayo deegaanada Galmudug.
“Waxaan rabaa inaan kuu sheego cudurka COVID-19 reer Galmudug si aad u ballaaran ayuu u soo galay, faafitaan xoog lehna wuu wadaa.” Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha oo la hadlay VOA.
Waxa kaloo uu yiri “Afartan iyo sideedii saac ee ugu dambeysay 111 qof ayaa xanuunka laga helay, waad dareemi kartaa tiradaas inta ay le’eg tahay. Deegaanada oo dhan waxaa laga soo sheegaya dhimasho aad u tiro badan, oo calaamadihii iyo waxyaabihii Coronaha lagu yaqaanay dadka lagu arkayo, dadka ugu badan ee dhimanayana inay yihiin dadka waayeelka ah, khabuuraha aad baa dadka loogu aasaa.”
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa sheegay in 48-kii saac ee la soo dhaafay ay sagaal qof xanuunka ugu dhinteen deegaanada Galmudug, xilli sida uu sheegay ay dad badani calaamadaha xanuunka ugu dhimanayaan Guriceel, Caabudwaaq, Gelinsoor iyo Gaalkacyo.
Inta badan magaalooyinka dalka ayaa waxaa saameeyay soo laba kacleynta xanuunka COVID-19, waxaana labadii bilood ee ugu dambeysay dalka ugu geeriyooday boqolaal qof.
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com
U dhaaf Halcelis