Wararka

James Swan ayaa ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada inay sii joogaan caasimada ilaa…


Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada dalka inay sii joogaan caasimada dalka illaa laga xalinayo khilaafka arimaha doorashoyinka.

Qoraal uu soo saray James Swan ayuu ku boggaadiyay Madaxda shirka u furmay ee hordhaca u ah Shirka Wadatashiga Qaranka ee looga hadlayo doorashooyinka dalka ka dhacaya oo weli aan heshiis laga gaarin.

“Bahda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa ay boorriyeen joogitaanka hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan kuwa xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee ka qeybgalay shirarkii horu-dhaca ahaa ee albaabadu u xirnaayeen ee wadatashiga, kaas oo Muqdisho ka dhacay 3-4-tii Abriil. Waxaan fahansannahay in madaxdu ay qorsheynayaan in ay sii wadaan wadahadalkooda, waxaan ku boorrineynaa in ay heshiis ku gaaraan wadahadalladan muhiimka ah” ayaa lagu yiri Qoraalka UN-ka.

Shirka hordhaca ee u dhaxeeya dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad ku soo dhamaaday, iyadoo aan wax natiijo ama horumar la gaarin, waxaana la isku soo laaban doonaa maalinta Talaadada ah.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa sidoo kale Arbacadii ugu yeerey hogaamiyayaasha Soomaalida inay ka shaqeeyaan doorasho loo dhan yahay oo qabsoonto sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo la eegayo, danta ummada Soomaaliyeed.

Baaqan ayaa ah kii labaad muddo bil gudaheed ah oo ay golahan oo ah kan ugu awoodda badan QM uu kasoo saaro arrimaha doorashada Soomaaliya.

Safiirka Britain ee golaha Ammaanka Barbara Woodward oo kulankan isugu yeertey iyada iyo xubno kale oo golaha ka tirsan ayaa sheegtey in James Swan uu u sheegey golaha in hanaanka doorashada Soomaaliya ay u baahan tahay dareen deg deg ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: