Wararka

Qoorqoor ayaa lagu wadaa inuu maanta ku laabto magaalada Dhuusamareeb ee xarunta…


Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa 45 cisho ka dib ku laabanaya Magaalada Dhuusamareeb, maadaama dastuurka Galmudug uu qeexayo inaanu Madaxweynaha safar ku maqnaan karin wax ka badan 45 maalmood.

Madaxweynaha oo muddadiisii fasaxa ay ka dhammaatay ayaa Dhuusamareeb u tagaya, si uu u helo ogolaansho kale, isagoona ku laaban doono Magaalada Muqdisho, oo shir uga socdo Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14268 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: