Wararka

Amiir Hamzaha Jordan ayaa balan qaaday inuu u hogaansamayo nidaamka boqortooyada…


Amiirkii looga shakisanaa inuu maleegayay inqilaab Amiir Hamzah ayaa saxiixay warqad uu ku balan qaaday inuu u hogaansamayo dhaqamada iyo qaababka qoyska boqortooyada ee Hashemite ee xukuma Jordan.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay qasriga boqortooyada, xabsi gurigii la geliyay Amiir Hamzah ayaa la fududeynayaa.

“Waxaan ahaan doonaa mid daacad u ah dastuurka Boqortooyada Haashimite ee qaaliga ah ee Urdun, mar walbana waxaan noqon doonaa mid caawimaad iyo taageero u fidiya haybaddiisa boqorka iyo amiirkiisa dhaxalka leh.”ayaa ka mid ah waxyaabihii ku qornaa qoraalka uu saxiixay amiirka.

Amiir Hamzah, amiirkii hore ee dhaxalka boqornimada, ayaa saxiixay warqadda kadib markii uu la kulmay amiir Xasan, boqorka adeerkiis, iyo amiirro kale Isniintii sida ay shaacisya qasriga boqortooyada.

“Danaha dalka hooyo waa inuu ka sarreeyaa tixgelin kasta. Dhammaanteen waa inaan garab istaagnaa boqorka dadaalkiisa ku aaddan ilaalinta Jordan iyo danaheeda qaran, ”ayaa lagu yiri warqadda.

Warqadda la saxiixay ayaa timid ka dib markii King Abdullah II uu ogolaaday inuu galo dhex dhexaadin si uu u bogsiiyo khilaaf ka dhex jira qoyska boqortooyada.

Dawladdu waxay ku eedeysay Amiir Hamzah inuu ku lug lahaa shirqool fidno ah oo “khalkhal galinaya amniga boqortooyada”, waxayna la xireen isaga ugu yaraan 16 qof oo kale, oo uu ku jiro Bassem Awadallah, oo horay u soo noqday wasiir ka tirsan golaha wasiirrada, madaxna ka soo noqday qasriga boqortooyada.

Qasrigu wuxuu sheegay in Abdullah uu ka codsaday adeerkiis, Prince Hassan, inuu “ka qabto su’aasha Amiir Hamzah ee ku saabsan nidaamka qoyska Hashemite ”.

Axaddii, mas’uuliyiinta Urdun waxay sheegeen inay fashiliyeen “shirqoolkii xumaa” ee uu waday Amiir Hamzah isagoo gacan ka helaya shisheeye. Hamzah wuu dafiray wax door ah wuxuuna sheegay in loo bartilmaameedsanayo inuu ka hadlo musuqmaasuqa iyo maamul xumada.

Dowladaha Mareykanka iyo Carabta waxay si deg deg ah ula safteen King Abdullah kadib xariggii Sabtidii, taas oo ka tarjumeysa muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Jordan.

Hamzah – oo Cabdullah ka xayuubiyey darajada dhaxal-sugaha taajka 2004 – wuxuu ku eedeeyay hoggaanka Jordan musuqmaasuq, eex iyo xukun kali talisnimo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: