Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa Isbitaalka Xoogga ku booqday askartii ku soo dhaawacantay…


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka Xoogga booqday askarta CXD ee ku soo dhaawacantay furimaha dagaalka iyagoo difaacaya dalka iyo dadka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyda askarta ka dhageystay saraakiisha Isbitaalka, ayaa sidoo kale askarta dhaawaca ah ka wareystay xaaladdooda, una rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu askarta uga mahadceliya sida geesinimada iyo nafhurnimada leh ee ay ugu jilib dhigeen la dagaallanka cadowga Soomaaliyeed, isagoo u ballan qaaday in dowladdu u heellan tahay daryeelkooda

Qaar ka mid ah askarta ku soo dhaawacantay difaaca Qaranka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashadiisa iyo garab istaaggiisa iyagoo tilmaamay in ay diyaar u yihiin isla marka ay bogsoodaan in ay dib ugu laabtaan furimaha dagaalka, si ay u gutaan waajibkooda kaga aaddan difaaca dalka iyo dadka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: