Wararka

Dowladda Somalia ayaa la sheegay in ay ka go’an tahay ka mira dhalinta shirka looga…


Cismaan Abokar Dubbe, Wasiirka Warfaafinta Somalia ayaa sheegay inay dowladda ka go’an tahay ka mira-dhalinta shirka looga hadlayo ajandaha shirka wadatashiga qaran.

Shirkan oo Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Sabtidii ka furay Xerada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii uu qabsoomay ku soo dhammaaday natiijo la’aan.

Shirka oo shalay markale lagu waday inay yeeshaan Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dib loo dhigay, sida ay ku warantay Warbaahinta Dowladda.

Wasiirka Warfaafinta Somalia ayaa xalay sheegay inay dowladdu ku dadaali doonto, sidii uu shirkaasi u mira-dhali lahaa.

Wasiirka oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa xusay in xukuumaddu ka rajo qabto in shirka ku soo dhamaado natiijo wanaagsan iyo in si wadajir ah loo fuliyo heshiiskii 17-kii September.

Doorashada dalka ayaa ka dib dhacday xilligii loogu talagalay inay ku qabsoomto, welina ma jirto waqti heshiis lagu yahay oo doorashada ay dhici doonto.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (14071 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: