Wararka

Kooxda Manchester City ayaa ka gaartay guul aan cago badan ku taagneyn Borussia Dortmund…


Kooxda Manchester City ayaa guul aan aad u adkeyn ka gaartay kooxda Borussia Dortmund kadib markii 2-1 ku garaacday fiidnimadii Talaadadii lugta hore ee wareega 8 dhamaadka Champions League.

Garoonka Etihad ee magaalada Manchester City ayaa qeybtii hore ku dhamaatay gool uu dhaliyay xiddiga reer Belguim Kevin De Bruyne daqiiqadii 19-aad.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay ayaa ciyaarta xamaasadeeda sii korortay kadib markii kabtanka Dortmund Marco Reus uu dhaliyay goolka barbaraha daqiiqadii 84-aad, dhowr isku day oo weerar ah kadib, laacibka Philippe Foden ayaa hogaanka u dhiibay City isagoo dhaliyay goolka guusha daqiiqadii sagaashanka.

Ciyaarta soo laabashada ah ayaa dhici doonta todobaadka soo socda, 14-ka bishan, waxaana lagu qaban doonaa garoonka Signal Iduna Park, ee kooxda Dortmund.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13838 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
<span>%d</span> bloggers like this: