Wararka

Real Madrid ayaa 3-1 isaga reebtay Liverpool lugtii hore ee quarter finalka Champions League…


Real Madrid ayaa 3-1 ku garaacday Liverpool lugtii hore ee wareega quarter-finalka Champions League oo lagu ciyaaray garoonka Alfredo Di Stefano, oo ah guriga naadiga boqortooyada, iyagoo sugaya kulanka lugta labaad ee Anfield.

Real ayaa ka faa’iideysatay goldaloolooyinka daafaca ee Reds, waxayna kaga yaabisay goolka koowaad ee baas fiican oo uu Toni Kroos u gudbiyay Vinicius Junior daqiiqadii 27aad.

Marco Asensio ayaa goolka 2-aad daqiiqadii 36-aad ku daray kubad uu Kroos sidoo kale baasay ayaa si khalad ah daafaca Liverpool ugu dhigay Asensio.

Si ka duwan qeybtii hore, Liverpool ayaa ku bilowday qeybtii labaad ee ciyaarta si xoogan, Mohamed Salah ayaa si dhaqso leh u yareeyay natiijada isagoo dhaliyay goolka koowaad ee Reds, iyadoo ay jirtay jahwareerka daafaca ee Madrid daqiiqadii 51aad.

Liverpool qaab ciyaareedkeedii weerarka ayaa dib u soo noolaaday ka dib goolka, waxaana ay hogaamisay dhowr weerar, laakiin ma aysan gaarin Courtois.

Wax yar kadib, Reds ayaa dib u guratay markale taasi oo ka faa’ideysatay boqortooyada, kubbad uu Modric u dhigay Vinicius ayaa ka dhigay goolka saddexaad ee Real Madrid daqiiqadii 65-aad.

Ciyaarta soo laabashada ah ayaa la qaban doonaa todobaadka dambe, 14-ka bishan, waxaana lagu qaban doonaa garoonka Anfield ee Liverpool.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13722 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: