Wararka

Dadka reer Jabuuti ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashada madaxtinimo…


Cod bixiyeyaasha dalka Jabuuti ayaa saaka u dareeray doorashada madaxtinimo ee dalkaasi, oo ay ku tartamayaan laba musharax, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaana markii 5aad xilkaasi isu soo taagay.

Ganacsadaha lagu magacaabo Sakariye Ismaaciil Faarax waa musharaxa keliya ee tartanka doorasho kula loolamaya Ismaaciil Cumar Geelle.

Xisbiyada Mucaaradka ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa bishii hore ee March qaadacay doorashada, ka dib markii ay sheegeen inaanay mid xor iyo xalaala ahayn.

Xisbiyada Siyaasadda ee dalkaasi ayaa Madaxweyne Geelle ku eedeeyay muddadii dheereed ee uu xilka hayay inaanu dalka ka qaban-qaabin doorashooyin xor iyo xalaal ah, xukunkana uu xoog ku jooggo.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya dadweynaha reer Jabuuti inay saaka u soo baxeen goobaha codeynta.

In ka badan laba boqol oo kun oo codbixiye ayaa la sheegay inay ka qayb qaadanayaan doorashada madaxtinimada ee maanta ka bilaabatay dalkaasi.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Jabuuti, Faarax Cabdullaahi ayaa sheegay in 529 goobood codadka laga dhiiban doono dalka oo dhan, iyadoo 305 ka mida ay yaallaan Magaalada Djibouti.

Iyadoo lagu jiro xilli adag oo dunidii uu kala xirxiray safmarka COVID-19 ayaa dadka codbixiyeyaasha lagu amrayaa inay gacmaha dhaqdaan, ka hor inta aanay codadkoodu dhiiban.

Doorashada maanta ka dhaceysa dalkaasi ayaa ka xamaasad yar doorashooyinkii hore, bacdamaa aanay doorashadaan qayb ka ahayn Xisbiyada Mucaaradka.

Madaxweyne Geelle ayaa horaantii bishii March sheegay in doorashadan noqon doonto middii ugu dambeysay, ee uu isu soo taaggo.

Geelle ayaa xilka soo hayay tan iyo sanadkii 1999-kii, haddii uu doorashadan ku guuleystana waxay noqoneysaa markii 5aad oo xiriir ah oo xafiiska loo doorto.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (13723 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: