Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay hadaladii ka soo yeeray R/wasaaraha Talyaaniga…
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in dalkiisu si adag u cambaareynayo hadalada “foosha xun” ee Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Draghi, oo ku eedeeyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan inuu bahdilay Madaxweynaha Guddiga Yurub Ursula von der Leyen toddobaadkan.
Draghi wuxuu yiri waa lagama maarmaan in si furan loola macaamilo “daalimiinta ama diktatoorada”. Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in wasaaradda arrimaha dibedda ay u yeertay safiirka Talyaaniga u fadhiya magaalada Ankara sababahan awgeed.
Cavusoglu wuxuu cambaareeyay hadaladii “aan la aqbali karin” ee Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga.
Von der Leyen ayaa la yaabtay markii Charles Michel Madaxweynaha Golaha Yurub, uu ku fadhiistay kursiga kaliya ee la heli karay ee ag yaalay kursiga Erdogan ee qasriga madaxweynenimada Talaadadii.
Muuqaal fiidiyow ah oo dhacdada ku saabsan, Guddoomiyaha Guddigu ayaa xoogaa taagneyd taasi oo keentay dhaqdhaqaaq muujinaya layaabkeeda, ka hor inta aanay fadhiisan kursi ku dhow labada kursi ee halkaasi yaalay.
Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com
U dhaaf Halcelis